
Waxaa IND go'aan ka gaareysaa dawada magangelyada ee la dedejiyey
Waxaa IND go'aan ka gaari doontaa codsigaaga magangalyo iyadoo ku saleysan wareysiga lagugula yeeshay iyo dukumeentiyada aad tustay, iyo baaritaano iyo xog u gaar ah.
Haddii IND aysan ogolaan codsigaaga, waa inaad Nederlaan ka tagtaa.
Waxa jira 3 go'aan oo suura gal ah
Waxaa IND u aragtaa in baaritaan dheeraad loo baahan yahayka hor inteysan go'aan gaarin. Waxaa IND markaasi codsigaaga uga shaqeyneysaa
dacwada magangelyada guud ama . Waxaad u guureysaa xero kale oo qaxootigadacwada magangelyada la dheereeyeyWaxaa IND ay soo diiday codsigaaga magangelyo. Waxaad heshay go'aan diidmo ah waa inaad Nederlaan ka tagtaa. Lawyarkaaga ayaa weli kaaga dacwaaon kara maxkamada Nederlaan. Kaasi waxaa ay go'aamin doonaan in IND ay codsigaaga si sax ah uga go'aamisay: sida uu sharciga Nederlaan waafaqsan yahay. Badiyaa go'aanka maxkamaa Nederlaan waad ku sugi kartaa oo waxaad sii deganaan kartaa meesha aad degan tahay.
Maxkamada ma ku raacsan tahay go'aanka IND?
Markaa waa inaad Nederlaan si degdeg ah uga baxdaa. Xaq uma lihid hoy waxaana badiyaa lagu siinayaa mamnuuca soo gelitaanka. Taasi waxey micnaheeda tahay inaadan soo geli karin wadamada Midowga Yurub, ka dib marka aad Midowga Yurub ka baxdo. Waxaad u guureysaa xero si aad wadankaaga aad ka soo jeedo ugu noqoto.
Maxkamada kuma ku raacsana go'aanka IND?
Markaa waxa IND uga shaqeyneysaa codsigaaga dacwad kale. Waxaad u guureysaa xero kale oo qaxooti iyo waxey IND soo gaari doontaa mar kale go'aan.
Waxa IND ay ogolaatay codsigaaga magangelyo. Waad joogi krtaa Nederlaan
Waxaad heleysaa warqad ay ku qoran tahay in codsigaaga magangelyo la oggolaaday. Waxaad heleysaa sharci deganaansho magangelyo. Taasi wuxuu soconayaa 5 sano oo laga bilaabo taariikhda aad magangelyada weydiisatay. Waxaa 5 sano ka dib aad weydiisan kartaa deganaansho magangelyo aan waqti ku xirnayn.