
Waxaad yeelaneysaa wadahadalka 1 IND dacwada magangelyada deg dega
Waxaa IND wadahadalkan ku weydiineysaa suáalo adiga kugu saabsan, safarkaaga Nederlaan aad ku timid iyo sababta aad u soo qaxday. Waa muhiim inaad IND u sheegtaa sababta aad adiga qatar ugu jirto wadankaaga.
U sheeg IND sababta aad adiga shaqsi ahaan aad qatar ugu jirto
Dacwada magangelyo ee la dedejiyey waxa keliya aad la leedahay IND 1 wadahadal
Mar mar wey adag tahay in laga hadlo dhibaatada qixitaankaaga
Mar walba ma sahlana inaad sheegto dhibaatada aad soo martay ee wadanka aad ka soo jeedo ama mudada qixidaada. Laakiin waa muhiiminaad haddana sheegto. U sheeg IND haddii aad dareemeyso inay kugu adag tahay inaad ka hadasho. Ama wax aadan xasuusan. Markaa IND taasi wey ku xisaatami doontaa. Ma leedahay calaamado ama xanuuno jir ahaan ama maskax ahaan oo ku saabsan qixistaada? Taasina u sheeg IND. Waxaa ay IND ku siin karaan baaritaan caafimaad.
Waxaad la hadli kartaa shaqaalaha- IND oo jinsigaaga ah. Waxaad kaloo weydiisan kartaa tarjumaan jinsigaaga ah. Waxaa imaan kara shaqaalaha
Waxaa kala hadleysaa qoraalka IND lawyarkaaga
Waxaa IND ka sameyneysaa wadahadalka qoraal. Wadahadalka ka dib waxaad qoraalka IND kala hadleysaa lawyarkaaga. U sheeg lawyarkaaga haddii qoraalka wax ka maqan yihiin ama sax ahayn.