
Waxaa muwaadin Nederlaanka noqoneysaa iyadoo wada kulan rasmi ah degmada lagu qabanaayo
Haddii IND go'aan fiican gaarto, waxaad heleysaa casumaad degmada ah oo wada kulanka rasmiga ee degmada oo aad muwaadin Nederlaan ku noqoneyso. Mudada wada kulankan waxaad ku dhawaaqi doontaa 'cadeynta midnimada'. Tani waa tallaabada ugu dambeysa ee aad muwaadin Nederlaan ku noqoneyso
Duqa magaalada ayaa warqad kugu casumi doona wada kulanka
Duqa magaalada ee degmada aad degan tahay, wuxuu kugu casumayaa wada kulan rasmi ah oo aad muwaadin Nederlaan ku noqoneyso. Wada kulankan waxaa la yiraahdaa 'xaflada jinsiyada'. Wada kulankan waxaa badiyaa lagu qabtaa xarunta dowlada hoose. Waa wada kulan xafladeed. Waxaa dad kale oo sidaada oo kale muwaadin Nederlaan noqonaaya.
Waa waajib inaad imaado xaflada jinsiyada
Waxa ka dib aad muwaadin Nederlaan noqoneysaa marka aad aado 'xaflada jinsiyada'. Markaa waa inaad mar walba aadaa Xaflada Jinsiyada marka lagaa casumo degmada. Degmadan waxey abaabuleysaa xaflad rasmi oo wada kulan ah. Waxaa degmada adiga kula dabaaldegeysaa inaad muwadin Nederlaan noqoneyso
Ma jirey ilmahaaga marka aad codsiga sameyneysey 16 jir ama ka weynaa? Markaa waa waajib inuu aado wada kulankan. Ilmahaaga ma ka yar yahay 16 jir? Markaa qasaab ma aha inuu aado xaflada laakiin waa loo oggol yahay wuu aadi karaa.
Waxaad bixineysaa cadeyn rasmi ah
Wada kulankan waa inaad aqrisaa 'cadeynta ku xirnaanshaha'. Waxaad ballan qaadeysaa inaad si xornimo iyo aad ixtiraameyso xaquuqda la xariira qaadashada muwaadinka rasmiga ee Nederlaan. Waxaad ballanaadeysaa inaad u hogaansanaato waajibaadka la socda. Halkaasoo aad ka sheegeyso in sharciyada Nederlaan hadda ay adigana ku quseeyaan. Taasi micnaheeda ma aha inaad taqaano dhamaan sharciyada. Laakiin inaad aqbaleyso oo aad ixtiraameyso. Caruurta da'dooda 16 ka weyn ee waalidka dhalashada la qaadanaayo waa iney cadeyntan ku dhawaaqaan. Ka dib markaad cadeynta ku dhawaaqdo, waxaa duqa magaalada markuu ku siiyo 'Go'aanka dhalashada, waxaad noqoneysaa muwaadin Nederlaan ah. Waxaad tahay Nederlaan laga bilaabo maalinta la go'aamiyey codsigaaga inaad Nederlaan noqoto. dhalashadaada Nederlaanka waxey ka bilaabataa taariikhda ku qoran go'aanka jinsiyada. Ka sokow qeybta rasmiga, xaflada jinsiyada waa xaflad farxad ah.
Hadda waxaad si rasmi ah u tahay muwaadin Nederlaan ah oo waxaad codsan kartaa baasaboor
Cadeynta jinsiyada ee aad xaflada lagaa siiyey, waa cadeynta rasmiga inaad muwaadin Nederlaan tahay. Taasi ayaad la aadeysaa degmada ka weydiisan kartaa baasaboorka Nederlaanka ama aqoonsiga shaqsiga.