Ku noqoshada Bangaladhesh
Ma ku fekereysaa inaad ku noqotaa inaad wadankaaga asliga ku noqoto? Boggan ayaa Bangaladhesh ka aqrineysaa waxa qarash ah ee jira iyo ururada kaa caawin kara dib u noqoshadaada.
Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga
Haddii aad adiga doorato inaad wadankaaga u noqoto ma fududa. Mar mar waxaa jira dhibaato la taaban kara oo adkeynaya inaad laabato. Tusaale ahaan haddii aad dokumetiga safarka heysanin
Mar mar waxaa jiro xaalado shucuur ah oo doorashada dib u noqosho adkeynaaya. Tusaale ahaan, dareen xishood, guul daro ama mustaqbalka oo aad ka shaki qabto. Xitaa mar mar waa inaad dib u dhisataa shabakad bulsho iyo inaad wadankaaga ka raadsato guri iyo shaqo.
Maku fekereysaa inaad Nederlaan ka tagto? Markaa ururo kala duwan ayaa kugu caawin kara sidii aad wadankaaga asalka ugu noqoto. Caawinada ururadan waa lacag la'aan
Qarashka dib u noqoshada
Qarashka asaasiga ee la soo celiyo (REAN)
Waxaa lagu siinayaa qarashka asaasiga sida ay qabto nidaamka-REAN. Rean waxey u taagan tahay 'Return and Emigration Assistance from the Netherlands'. waxaa nidaamka-REAN ay bixiyaan:
taageero
tigidka diyaarada
caawinada helitaanka dokumentiga safarka
-€ 200,- oo lacag kaash ah qofka weyn iyo € 40,- ilmaha la safraaya. Wxaa lacagta lagugu siinayaa schiphol maalinta aad baxeyso.
Ururka Caalamiga ee Guuritaanka (IOM) aya dalbaayaaaya gunnada. Ururka kaa caawinaaya dib u noqoshada ayaa gunnada kaaga dalbi kara IOM.

Qarashka la qabsiga dib u noqoshada
Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.
Waxaad u isticmaali kartaa ku bixinta tusaale ahaan tababar inaad qaadato ama alaab ku gadato oo ganacsi aad leedahay. Qeyb yar oo lacagtaasi ah ayaad lacag cadaan ahaan u heli kartaa. Suuriyiinta weli ku jira dacwada magangelyo ama Suuriyiinta heysta sharciga deganaanshaha waxaa lagu siinayaa lacag cadaan ah garoonka diyaaradaha Amsterdam Schiphol aalinta bixitaanka. Qarashka la siinayaa waa:
€2800 oo kaash ah qofka weyn.
€1650 oo kaash ah oo loogu talagalay da yarka.

Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara
Wada shaqeynta ururada wadanka asliga
Ururada wada shaqeynta ee waddankaaga asliga ayaa warbixin kaa siin kara xaalada wadankaaga iyo ku taageeraaya iyo ku hagaaya marka aad ku soo noqoto wadankaaga.
VluchtelingenWerk waxay Bangladhesh la shaqeeyaanCaritas Bangladesh. Ururkaan waxey caawiyaan bangaaliga soo noqday (keli ahaan iyo qoysyo ahaanba) si ay u bilaabaan nolol cusub. Waxey dib u soo noqodayaasha ku qaabili karaan garoonka diyaarada iyo waxey u tilmaamaan haddii loo baahdo ururada daryeelka caafimaadka.
Haddii aad taageerada IOM dooratay, waxaa ku caawinaaya shaqaalaha<a href="https://bangladesh.iom.int/" title=""> xafiiska-IOM ee Bangladhesh</strong><strong></strong> si aad u isticmaasho lacagta wax lahu fuliyo. Waxaad lacagtaasi u isticmaali kartaa ijaarka, tababar, koorso, alaab gadashada ganacsi iwm.
Sidoo kale ururo kale ayaa la wada shaqeeyaa urur jooga wadankaaga asliga ah. Midka uu yahay iyo waxa uu ururkan kuu qaban karo wey kal duwanaan karaan.